Saddex koox oo iska kaashanaya kacdoonka ka dhanka ah Guuleed

Cadaado (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Galmudug oo horey u sheegay inay xilka ka qaadeen madaxweyne Cabdikariim Guuleed ayaa soo saaray warqad ay sheegeen inay ku qoran yihiin “Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug”.

Go’aankan ayaa muujiyey in xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ay kasii dareyso xilli Guuleed uu sheegay inuusan aqbalin xil ka qaadista lagu sameeyey, islamarkaana uu Cadaado tagay si uu arrintan xal ugu helo.

Haddaba su’aashu waxay tahay yaa ka dambeeya kacdoonka Galmudug ka socda?

Kacdoonka xildhibaanada Galmudug waa mid dhab ah oo ka dhashay dhowr oo arrin oo is-birsaday, oo ay ugu weyn tahay Cabdikariim Guuleed oo noqday madaxweyne magac un ka jira ee aan shaqo ku lahayn Galmudug iyo waxa ka socda, isaga oo inta badan waqtigiisa ku qaata magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxaa taas sii dheer in xildhibaanada Galmudug aysan muddo helin wax dhaqaale aha ama la siiyey lacag ku filan, ayada oo maqnaanshaha Guuleed ay ka dhigtay magaalaada Cadaado mid dhaq dhaqaaqeeda dhaqaale yaryahay, maadaama la rumeysan yahay in lacagtii maamulka inteeda badan uu Guuleed Muqdisho la fariistay.

Arrintan ayaa ka carreysiiyey xildhibaano badan oo isu muujinaya inay ka go’an tahay dowlad dhab ah oo shaqeyneysa, balse xaqiiqda ay tahay inay dhaqaale un doonayaan.

Waxaa kale oo iyana jira koox kale oo Guuleed kula dagaashan sidii uu u maareeyey doorashooyinka xildhibaanada federaalka ee Cadaado ka dhacay.

Kooxdan ayaa isugu jira xildhibaano hore iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Caasho Xaaji Cilmi iyo qaar ka mid ah xildhibaanada iminka ee Galmudug, oo ku guul darreystay inay xildhibaano qaran noqdaan.

Waxaa kooxdan ka go’an in Guuleed ay ka aargutaan, ayaga oo meesha ka saaraya xilkana ka tuuraya, waxayna dhaqaale ku bixinayaan sidii ay u heli lahaayeen taageerada xildhibaanada kale ee diidan arrimahan.

Kooxda saddexaad ayaa iyana ah koox aan mowqif lahayn balse ay hoggaaminayaan dhaqaale iyo dabeyl siyaasadeed, kuwaas oo marna xilka ka qaaday Guuleed marna shirar ugu tagaya una sheegaya inay taageersan yihiin.

Kooxdan ayaa noqon karta tan bad-baadisa Guuleed ama xilka ka tuurta, ayada oo ay ku xiran tahay hadba sida uu u kasbado iyo inuu ka dhaqaale bato kuwa kacdoonka gadaal ka riixaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com