Sawirro: Musharax Jabriil Ibraahim oo xalay la kulmay 100 xildhibaan

Musharrax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Musharrixiinta ugu cad cad Sanadkaan Doorashada ayaa xalay kulan Casho Sharaf ah u sameeyay 100 ka tirsan Xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya.

In kulankaas ay soo xaadireen 100 ka mid ah xildhibaanada ayaa astaan cad u noqday taageerada uu haysto Jabriil.

Masuuliyiintii kulanka ka soo qeyb galay ayaa ku dheeraaday ka hadalka wax qabadka Musharrax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo 20-kii sano u dambeeyay ka shaqeynayay horumarinta Bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ka codsaday Xildhibaanadii ka qeyb galay kulanka in ay codkooda siiyaan.

Mid ka mid ah xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa Caasimada Online u sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay aragti cusub iyo weji cusub.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo isagunka kulanka hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in Afarta sano soo socoyo ka muhiimsantahay 20-kii sano ee la soo dhaafay oo dalka uusan helin hoggaan ay ku qanacsantahay Bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in si wanaagsan uu u yaqaan howlkarnimada Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle isgaoona u rajeeyay in uu ku guuleysto sanadkaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa diyaar garow xoogan oo loogu jiro Doorashada Madaxweyne oo la filayo in dhawaan dalka ay ka dhacdo, iyadoo Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle uu ka mid yahay Musharrixiinta ugu cad cad ee loo saadaalinayo in doorashada uu ku soo bixi karo.