Saddex nin iyo haweeney dil culus ka gaysan rabay Muqdisho oo la toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maanta degmada Howlwadaag ee magaaladda Muqdisho ay ku dileen afar ruux oo ay sheegeen in ay tooga rabeen agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashadda xukumadda faderaalka Soomaaliya.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneral Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka amaanka ay ku guuleysteen in ay toogtaan afar ruux oo midkood dumar aheyd oo doonayay in ay toogtaan agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Cabdi Gare.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cbdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayay tiri Zakiya.

Boolisku ma sheegin haddii khasaare kale oo ciidamada gaaray ay ka dhalatay is-rasaasaynta dhexmartay ciidankooda iyo dablayda dilka ka fuli rabtay maagaaladda Muqdisho oo ciidanku toogteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com