3 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Galcad + Magacyada

Galcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ag uga dhacay agagaarka degmada Galcad, waxaana lala eegtay mooto ay la socdeen dad shacab ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in mootada oo aheyd Fekon ay miinada kula qaraxay deegaanka Cali Heelle oo u dhow Galcad, waxaana ku dhintay saddex qof oo saarnaa.

Saddex qof oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaan ay qaraabo dhow ahaayeen, isla-markaana ay booqasho u socdeen xilliga uu haleeyay qaraxa miino.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Galcad oo kamid ah magaalooyinkiii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah, waxaana uu khasaare kasoo gaaraa ciidamada huwanta iyo sidoo kale dadka deegaanka ee isticmaala wadada.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkooda uu yahay in lagu xoreeyo degmooyinka ka maqan Galmudug.