Saddex qof oo lagu dilay XAFLAD AROOS oo weerar loogu qaaday Music dartiis

Kabul (Caasimada Online) – Dabley isku sheegay inay yihiin Taalibaan ayaa weeraray xaflad aroos oo ka dhaceysay bariga dalka Afghanistan si ay u joojiyan Music halkaas ka daarnaa, waxayna dileen ugu yaraan saddex qof, sida ay sheegtay dowladda. 

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in laba ka mid ah saddexda qof ee weerarka soo qaaday la xiray, wuxuuna beeniyey inay u shaqeynayeen Taalibaan. 

“Xalay, xafladda arooska Haji Malang Jan ee xaafadda Shamspur Mar Ghundi ee gobolka Nangarhar, saddex qof oo iska dhigay Taalibaan ayaa galay, waxayna dalbadeen in la joojiyo Music,” ayuu yiri. 

“Rasaas ay fureen ayaa waxaa ka dhashay inay dhintaan ugu yaraan saddex qof, dhowr kalena waa la dhaawacay.” 

“Laba ka mid ah tuhmanayaasha waxaa xiray Taalibaan, waxaan baxsaday mid weli lagu raad joogo,” ayuu yiri afhayeenka Taalibaan.

Mujahid ayaa sheegay in kooxdan adeegsatay magaca Imaaradda Islaamiga ah, si ay u fuliyaan hamigooda shaqsi ay wajihi doonaan shareecada Islaamka.

Qof ka mid ah ehellada dhibanayaasha ayaa sheegay in dagaal-yahanada ay fureen rasaas badan xilli uu daranaa music. 

Music-ga ayaa mamnuuc ka ahaa markii ugu dambeysay ee Taalibaan ay maamuleysay Afghanistan, hase yeeshee inkasta oo dowladda cusub aysan weli amar kasoo saarin, haddana hoggaankeeda waxay Music-ga u arkaan jebita shareecada Islaamka.

Dowladdii hore ee Taalibaan ee Afghanistan xukumeysay 1996-kii illaa 2001 ayaa dalka kusoo rogtay shareecada Islaamka, waxayna shacabkii jebiyaa wajihi jireen ciqaab adag.  

Hase yeeshee tan iyo intii ay xukunka kusoo laabatay bishii August, Taalibaan oo raadineysa aqoonsi caalami ah iyo laga qaado cunaqabateynada dhaqaale, ayaa isku dayday inay isu muujiso inay tahay qunyar socod.