Mareykanka oo war kasoo saaray qabsashada TIGRAY-ga ee magaalada Dessie

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo dagaalka uu sii xoogeystay.

Bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha diebdda ayaa ku booriyey TPLF “inay hakiyaan ku siqitaankooda magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.” 

Mucaaradka Tigary-ga ayaa Sabtidii sheegay inay xaqiijiyeen “gacan ku haynta buuxda” ee magaalada muhiimka ah ee Dessie, taasi oo keentay in dowladda ay si xooggan u beeniso, inkasta oo xitaa dadka deegaanka ay soo weriyeen in ciidamada federaalka ay ka gurteen.

Qabsashada Tigray-ga ee Dessie ayaa ka dhigan weji cusub oo uu yeeshay dagaalka sanadka ku dhow ka socda Ethiopia, kadib markii ay inta badan gobolka Tigray ka saareen ciidamada federaalka bishii June, islamarkaana isku ballaariyeen gobollada deriska la ah.

“Waxaan ku boorineysaa TPLF inaysan madaafiic u adegesan magaalooyinka, waxaana ku celineynaa diidmadeena ku aadan duqeymaha ciidamada federaalka Ethiopia ee magaalada Mekelle iyo qeybaha kale ee Tigray kuwaas oo dhaliyey khasaare nololeed oo badan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price oo soo saaray war-saxaafadeed.

“Dagaalkan ma lahan xal militari, waana in dhammaan dhinacyada ay billaabaan wada-xaajoodyo xabad-joojin ah ayada oo aan lagu xirin shuruud.”  

Dessie ayaa 400 km waxay waqooyi kaga beegan tahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Goor sii horeysay shacabka degan magaalada ayaa soo weriyey in ciidanka federalka ay ka baxeen, islamarkaana Tigray-ga ay soo galeen.

“Qiyaastii 2:00 am, ciidamada federaalka ayaa billaabay inay dib uga gurtaan aagga,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amir oo degan Dessie, kaasi oo diiday inuu shaaciyo magaciisa oo buuxa. 

Dagaal-yahanada TPLF “ayaa soo galay magaalada, mana aragno wax ciidamada federaalka Ethiopia ah,” waxaa sidas yiri qof kale oo degan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Mohammed. 

TPLF ayaa sheegtay inay hadda si buuxda gacanta ugu hayso magaalada Dessie. 

Dagaal-yahanada waxay ciidamada federaalka dib uga riixeen Dessie, waxayna ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha, waxaa sidaas Reuters u sheegay Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF.

Getachew ayaa intaas ku daray inay qabtay askar badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Ethiopia.

Qabsashada Dessie ayaa ah guul istaraatiiji ah oo ay Tigray-ga ka gaareen ciidamada federaalka oo isku dayayey inay gobolka Amxaarada ka xorreeyeen.