Golaha wasiirada Somalia oo maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in maanta golaha wasiirada Soomaaliya ay leeyihiin kulan aan caadi aheyn, iyada oo la ballamiyey xubnaha golaha labada duhurnimo maanta oo Axad ah, kuna beegan 31-10-2021-ka.

Golaha wasiirada ayaa xalay saq-dhexe loo diray farriin, iyada oo lagu wargeliyey inay si buuxda uga soo qeyb galaan kulanka la filayo inay yeeshaan.

Kulankan ayaa daba socda shirkii Khamiistii dib loo dhigay oo todobaad kastaa ay yeeshaan xubnaha golaha wasiirada, kaas oo lagu gorfeeyo xaaladda guud ee dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka maanta laga yaabo in golaha lagu horgeeyo taliyaha iyo taliye ku xigeenka cusub ee hay’adda NISA, si ay u meel-mariyaan.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan ku heshiiyey in madaxweynuhu soo magacaabo hoggaanka cusub ee nabad sugida, kadibna la marsiiyo xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya, si ay u ansixiyaan.

Villa Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday dadaallo xoogan oo lagu soo afjarayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo saameyn xoog leh ku yeeshay doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah iyo doorashooyin, waxaana la filayaa in todobaadkan ay bilaabato mida xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada golaha wasiirada iyo waxa ka soo baxa kulankooda maanta oo ah mid aad isha loogu hayo, kuna soo aaday xilli xasaasi ah.