Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay wiil Soomaali ah dil loogu geystay gudaha wadankaas, waxaa falkaas ka dambeeyeyn kooxo burcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday ganasadaha la dilay.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana lagu dilay degmada Mitchells Plain oo kamid ah degmooyin hoostaga magaalada Cape Town

Wararka ayaa sheegaya in sida caadada aheyd ay goobta ka baxsatay kooxdii ka dambeysay dilka marxuumka.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa meesha tegay, kadib dilka loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed, waxayna sameeyeen baaritaano kooban.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ka hadlay dilka loo geystay marxuumka ayaa walaac ka muujiyey, waxayna ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato dilalka, dhaawaca iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida, waxaana aad u sii badanayey dilalka lagu hayo ganasatada dalkaas.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.