Saciid Deni oo u jawaabay Axmed QOOR QOOR

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kooban uga jawaabay eedeyntii Galmudug ee aheyd in Puntland ay taageero siineyso ururka dib isku soo hubeeyey ee Ahlu-Sunna, xilli uu maanta khudbad ka hor jeedinayey baarlamaanka maamulkaas oo kalfadhiga 49-aad uu uga furmay Garowe.

Siciid Deni oo si dulmar ah uga jawaabayey tuhunka iyo eedeymaha shacabka iyo madaxda reer Galmudug ayaa sheegay in wax kasta oo amniga iyo horumarka dowlad goboleedyada kale ee dalka dhibaato ku ah ay Puntland-na dhibayaan, dib u dhacna ay ku keenayaan.

“Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna, waxay sidoo kale lidi ku yihiin amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland,” ayu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Hadalka Siciid Deni ayaa kusoo aadaya, xilli qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ay muujinayeen tuhun ah in Puntland ay soo hubeyneyso ururka Ahlu-Sunna, si loo carqaladeeyo koboca dowlad goboleedka Galmudug.

Galmudug waxay haatan wahajeysaa mowjado gacan ka hadal gaaray oo ka dhashay soo rogaal celinta wadaadada Ahlu-Sunna, dagaal culus oo lagu hoobtay ayaa todobaadkii hore Guriceel ku dhex-maray Galmudug oo gacan ka heleysa dowladda federaalka iyo ciidamo tiro yar oo daacad u ah hoggaamiyayaasha wadaadada hubeysan ee Ahlu-Sunna.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo warbaahinta la hadlay maalmihii uu dagaalkaasi ka socday Guriceel ayaa sheegay in ay jiraan dhinacyo isugu jira Soomaali iyo jaaniib oo Ahlu-Sunna ku garab siinaya duulaanka ay ka wado Galmudug.

Qoor Qoor oo caro badani ay ka muuqatay maalintaas ayaa sheegay inay heleen cadeymo muujinaya dhinacyada Ahlu-Sunna ku garab tagay dagaalka ay ka wado gudaha Galmudug, isla markaana uu soo bandhigi doono.

Inkastoo madaxda Galmudug aysan si cad ugu eedeyn Puntland inay gacan siineyso Ahlu-Sunna, hadana dad badan ayaa hadalkii Qoor Qoor u fasirtay mid ku godan maamulka deriska la ah ee Puntland, dhankooda madaxda Puntland ayaa si cad isaga fogeeyey eedeymahaas.

Marka laga soo tago hadalkii maanta ee Saciid Deni, laba maalmood ka hor waxaa shir Jaraa’id Gaalkacyo ku qabtay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur, waxuuna sheegay in Puntland aysan ka suurtaabin in deriskeeda reer Galmudug ay koox ku hubeyso, isla markaana Galmudug ay u tahay walaal ay ka kaashadaan la dagaalanka araggixisada.