Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo qarka u saaran in la duugo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo lagu waayey gacanta hey’adda Nabadsugidda ee NISA ayaa waxay maqan tahay 4 bil iyo maalmo illaa haddana lama ogo cidda dishay ama haddii ay nooshahay cidda gacanta ku heyso.

Ikraan oo aheyd gabar si weyn aqoon ugu leh sirdoonka Internet-ka ayaa wuxuu kiiskeeda ahaa bilooyinkii lasoo dhaafay hadal heynta ugu badan ee Soomaaliya, balse maalmihi ugu dambeyey waxaa muuqata in kiiskaas meel la iska dhigay.

Gabadhaan oo 26-kii June ee sanadkaan laga watay gurigeyga ayey hay’adda NISA sheegtay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, inkastoo arrintaas uu ka hor yimid Ra’isul Wasaare Rooble oo dalbaday in caddeymo rasmi ah la keeno.

Shabakadda laga leeyahay dalka Mareykanka ee Bloomberg ayaa sheegtay in Gabadhaan loo dilay xog ay ka heshay heshiis Militari oo si qarsoodi ah u dhex maray Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo uu ujeedkiisu ahaa in madaxda ay sii joogto xukunka dalalkaas.

Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si weyn isugu khilaafay kiiska Ikraan ayaa dhawaan heshiis ka gaaray waxyaabihii ay isku hayeen .

Farmaajo iyo Rooble ayaa qodobada heshiiska dhex maray ku xusay in Kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hey’adaha Amniga iyo kuwa cadaaladda.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan hay’adaha Cadaaladda, illaa hadda lama bilaabin baarita kiiska Ikraan Tahliil.

Sababta aan illaa hadda loo bilaabin kiiska Ikraan ayaa lagu sheegay inay tahay in si mugdi ah loo maareynayo kiiskaan, laakiin weli caddeyn rasmi ah looma hayo.

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa horey u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hor istaagay baaritaanka Kiiska gabadhooda, waxayna tilmaameyn inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin kiiskaas oo ay ka war sugyaan Ra’isulwasaare Rooble oo qaatay mas’uuliyadda.

Sidoo kale qoyska ayaa sheegay in hey’adaha Cadaaladda loo diiday inay gudaha u galaan xarunta Hey’adda NISA si baaritaan loogu sameeyo taasoo caqabad weyn ku noqotay sii wadista kiiska Ikraan.