SAF: Van Persie waa Eric Contana-ha cusub ee Man United.

Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan inuu Robin Van Persie la mid yahay halyeeygii kooxda Manchester United Eric Contana.

Tababaraha United ayaa shalay daaha ka qaaday inuu Van Persie ku dhiman karay markii uu kubad madaxa kaga dhuftay daafaca Swansea  Ashley Williams.

Laakiin, inkastoo ay Red Devils barbaro 1-1 ah la gashay kooxda ka dhisan Wales Fergie ayaa arka sida uu muhimka u yahay xidigaan ay 24 milyan oo ginni kaga soo qaateen Arsenal xagaagii.

Tababaraha Scotland u dhashay ayaa yiri: “Abaal marinteena sanadka cusub waxaan helnay markii uu Robin van Persie yimid Old Trafford.

“Uma badni inta badan inaan ka hadlo hal qof maxaa yeelay waxaan rumeysanahay inay guusha kubadu ku timaado wada shaqeyn. Kooxduna kuma tiirsana hal qof laakiin waxaad mararka qaar nasiib u yeelaneysaa inaad hesho ciyaaryahankii kuu dhameystiri lahaa shaxdaada.

“Shaki kama taagna in sidii uu halkaan u yimid uu dhameystiray weerarkeena.”