Benitez oo la dhacsan inuu D.Luiz qadka dhexe kasii ciyaaro.

Tababaraha Chelsea Rafael Benitez ayaa diyaar u ah inuu David Luiz kulamada soo aadan u isticmaalo qadka dhexe si ay kooxdu ugu tartanto Horyaalka.

Blues ayaa usoo hanqal taagtay horyaalka Premier League markii ay guul darro 8-0 ah cabsiisay kooxda Aston Villa kulan Axadii ka dhacay Stamford Bridge.

Daafaca dambeedka dhexe, Luiz, ayaana dhaliyey goolka labaad ee Chelsea oo ahaa Laad xor ah oo uu si cajiib ah u dhaliyey, waxaana lagu sii heyn karaa booskaas ka dib markii uu la yaab ku dhigay kooxda Villans.

Tababaraha KMG ah ayaa yiri: “Wuxuu leeyahay awooda uu ku ciyaari karo boos walba wuxuuna kooxda u yahay daafac cajiib ah.

“Dadku waxay dhahayaan sidoo kale doorka qadka dhexe wuu ku fiican yahay waxaan u maleynayaan way saxan yihiin.

“Kulankii aan wajahnay Villa ayuu tusay inuu booska qadka dhexe xakameyn kara wuxuuna leeyahay awooda uu ku sameeyo.”

Luiz, oo 25 jir ah, ayaa qadka dhexe ku wehlinaayey halyeey Frank Lampard iyadoo kooxda heysata Koobka Kooxaha Yurub Chelsea ay dib u heleen taageeradooda markaasoo ay la yaab ku dhigeen kooxda Paul Lambert.