Gool dhaliyaha Swansea Michu oo loogu yeeray qaranka Spain.

Weeraryahanka kooxda Swansea City Michu oo la yaab ka dhigaya Horyaalka Ingiriiska ayaa looga yeeray xulkiisa Spain bisha February.

Vicente del Bosque, tababaraha xulka heysta Koobka Qaramada Yurub iyo Kan Aduunka, ayaa xaqiijiyey inuu 26-jirkaani ciyaari doono kulanka saaxiibtinimo ee  Spain 6da February magaalada Doha kula ciyaareyso Uruguay.

Weeraryahanka xulka Spian ayaa kula biiri doona dhigiisa kooxda Celta Vigo Iago Aspas, kaasoo la fahamsan yahay inuu Janaayo diirada u saran yahay tababaraha kooxda Swansea Michael Laudrup.

“Iago Aspas iyo Michu waxay kasoo muuqan doonaan kulanka (Uruguay),” ayuu Del Bosque u sheegay TV-ga Spain.

Michu ayaa ahaa xidig aad u dhameystiran tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda Laudrup, wuxuuna xagaagii 2.2 milyan kaga soo dhaqaaqay kooxda Rayo Vallecano. Xidigaan ayaana ahaa dhaliyihii goolka barbaraha ee Swansea kulankii ay Axada Barclays Premier League ku wajaheen Man United, 13 gool ayuuna dhaliyey 18 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan.

Dhanka kale, Aspas, ayaa la yaab ka dhigay La Liga xilli ciyaareedkaan, wuxuuna dhaliyey lix gool 17 kulan oo uu saftay. Waxaana lagu qiimeeyaa 8 milyan oo ginni.