Safaarada Mareykanka oo ka digtay weerar kusoo socda hotel weyn oo ku yaal Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa soo saartay digniin xooggan uu ku saabsan weerar argagixiso oo weyn oo la qorsheynayo in laga fuliyo dalka Kenya.

Bayaan ay safaaradda Khamiista maanta ah soo dhigtay website-keeda, ayey ku sheegtay in kooxaha argagixisiada ay qorsheynayaan weerar lala beegsanayo hotel weyn oo ku yaalla Nairobi.

“Weli lama ogaan hotel-ka weerarka lala damacan yahay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay hotel caan ah oo ay ku badan yihiin dalxiisayaasha iyo dadka safarada ganacsi ku socda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda.

Safaaradda ayaa ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah marka ay tagayaan ama joogaan hoteellada ku yaalla Nairobi.

“Haddii aad ku nagaaneyso hotel, fadlan ogow qorshaha daadgureynta hotelka. Sii qorsheyso sida aad uga bixi karto hotelka, haddii ay dhacdo xaalad deg deg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Dhinaca kale, booliska Kenya ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin amni oo dheeraad ah, guud ahaan dalka.