Safaaradaha caalamka ee Muqdisho oo ‘dhibaato u horseeday’ Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xoghayaha howlaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdi Haybe Maxamed oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Safaaradaha ka furan Muqdisho ay u horseedeen Somaliland in weli loo sii aqoonsanaado maamul goboleed.

Cabdi Haybe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safaaradahaasi ay sabab u yihiin in xukuumada Somaliland ay wax badan u daba fadhiisato dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha howlaha guud ee xisbiga Waddani oo arrintaasi ka hadlayay, ayaa waxa kale oo uu ayiday dhawaaqii ceyrinta ahaa ee xisbiga Ucid ku dalbaday in wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland la eryo, wuxuuna yiri

“Wakiilka Jabuuti u fadhiya qunsilyada Jabuuti ee Somaliland, hadalku uu ka dhacay, oo hadal dimblamaasi kumuu hadal, si xuna oo aan loo baahnayna ayuu u hadlay, sidaas darteed Wakiilkani inuu dalka ka baxo oo uu dalkiisa ku laabto ayaa u haboon”.

“Mida kale Safiirkii Jabuuti wuxuu fadhiya Muqdisho, Safiirkii Turkiguna wuxuu fadhiya Muqdisho, halkana waxa ka dhisan Qunsiliyado, taasi ayeyna nasiib daro Xukuumaddu ogolaatay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Macnaheeduna waxay noqonaysa in Muqdisho aynu wax badan u daba fadhino, waxaana xusid mudan in Turkigu aanu inaga waxba ina tarin, halka uu caawiyo Somaliya, ciidamadana uu u tababaro, wax walbana uu la garab taagan qunsiyadaha aynu ogolaanay iyo safaaradaha Muqdisho ka dhisani waxay inoo horseedeen in maamul goboleed Soomaaliya ka mid ah la inagu tiriyo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com