Safaaradda NORWAY oo ka laabatay qoraalkii ay ku dalbatay xil wareejinta DF, soona saartay mid cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa saacado kadib dib uga laabatay qoraalkii ugu adkaa ee ay kasoo saarto khilaafka doorashada Soomaaliya, kaasi oo ay si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg-deg u wareejiso.

Qoraalka cusub ee kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho oo lasoo dhigay twitter-ka, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Norway ay dhex-dhexaad ka tahay dhaq-dhaqaaqyada gudaha, islamarkaana ay rabto doorasho deg-deg ah, halka markii hore ay dalbatay ‘in Villa Somalia ay xukunka deg-deg u wareejiso’.

“Safaaradda waxay jeceshahay inaan caddeyno in waxa aan rajeyneyno inaan aragno ay tahay doorashooyin deg-deg ah oo nabdoon oo ku dhisan heshiis. Norway, oo ah saaxiib iyo jaal muddo dheer oo Soomaaliya ay leedahay, dhex-dhexaad ayey ka tahay kana ahaan doontaa ikhtiyaarada gudaha ee ay sameeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Norway.

Qoraalkii hore ee Norway “Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed.”

Qoraalkaas ayaa ah kii ugu adkaa ee mid kamid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, hase yeeshe ay dib u dabcisay mowqifkeedii adkaa ee muujisay.

Inta badan dalalka reer galbeedka ee saxiibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeya inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kuwaasi oo dhowr jeer Midowga Musharaxiinta u direen baaqyo la xiriira xaalada Soomaaliya.

Norway oo kamid ah dalalka lacagta ugu badan ku bixiya Soomaaliya ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadashay madaxda waqtigooda dhamaaday, inkasta oo ay markii dambe dabacsanaan ka muujisay xaalada dalka.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada oo la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto