Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo JANAN

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirkii hore Jubbaland Cabdirashiid Xasan JANAN ayaa gaaray heshiis shan qodob ah, kaasi oo Janan uu ugu soo biirayo isbaheysiga Farmaajo, oo ay isku beel yihiin.

Cabdirashiid Janan oo wareysi siinayay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay heshiiska uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah qodob ah inuusan siyaasadda ka bixi doonin.

Qodobadaan oo ay ku jiraan inuu dowladda u gacan galinayo ciidamadiisa oo tiro ahaan lagu sheegay 400 askari, gaadiid dagaal oo tiradooda la carabaabay iyo in heshiiska uu qeyb ka yahay Korneel Cabaas oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Jubbaland.

QODOBADA LAGU HESHIIYAY:

1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3. In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

4. In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin

Masuuliyiin ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa gaaray gobolka Gedo si ay heshiiska usoo afjaraan, sidoo kalana waxey wararka qaar sheegayaan inuu imaan doono Muqdisho una sii gudbi doono dalka Turkiga.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa warqad ku taariikheysa 20-ka March waxauu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).