Beesha caalamka oo ka hor-timid isku day muddo kordhin soona saartay qoraal adag

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha caalamka ayaa soo saartay qoraal xasaasi ah oo ay soo saartay ku shaacisay inaysan marna taageeri doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka ee waqtigu ka dhammaaday.

Qoraalkaan kasoo baxay beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xilli ay Caasimada Online baahisay xog ku saabsan iney jiraan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo shalay ku shiray Hotel Decale, islamarkaana baadi goobaya iney guddoonka golaha shacabka hor geeyaan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka beesha caalamka oo xafiiska QM ee Soomaaliya uu soo digay twitter-ka ayaa lagu sheegay muddo kordhin, hanaan doorashooyinka is-dhinac socda ama doorashooyin aan loo dhameyn aysan midna heli doonin taageerada beesha caalamka.

“Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM.

Qoraalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday shirkii uu ku baaqay Farmaajo ee ay soo xaadireen kaliya madaxda dowlad goboleedyada taabacsan iyo sidoo kale guddoonka gobolka Banaadir ee uu Farmaajo uu soo magacowday.

Qoraalkaan wuxuu ka mid yahay qoraalada ay beesha caalamka ku cadeynayaan mowqifka ay ka joogaan khilaafka jira iyo sidoo kale cadaadiska ay dhinacyada iska soo horjeeda ku saarayaan iney ka heshiiyaan khilafka jira si dalka uu u aado doorasho la isla ogol yahay oo xalaal ah.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba qaadacay shirkii labada maalin ahaa oo uu ku baaqay Farmaajo kaas oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha maamullada taageerada u ah DF, waxeyna beesha caalamka ku dadaaleysaa iney ka shaqeyso qabashada shir loo dhan yahay.

Sidoo kale labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland waxey wataan shuruudo iyagoo wata magaca Madasha Badbaado Qaran oo ay kula mideysan yahiin midowga musharaxiinta mucaaradka iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi oo uu hogaaminayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka ay mudadiisa dhamaatay kal hore.