Safaaradii ugu horeysay oo loo raraayo Qudus & Dalalkii diiday go’aanka Trump oo bilaabay dib u gurasho

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Guatemala ayaa shaaca ka qaaday in Safaaradeeda Israel ay u rareyso magaalada Qudus ee uu dhawaan Madaxweynaha Mareykanka sheegay inay tahay caasimada Israel.

Jimmy Morales oo ah Madaxweynaha dalka Guatemala ayaa amar ku bixiyay in Safaaradiisa Israel loo raro magaalada Qudus.

Madaxweynaha Guatemala ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Safaaradooda loo raro magaalada Qudus, waxa uuna tilmaamay inay raacayaan amarka kasoo baxay Madaxweyne Trump ee Qudus looga dhigay caasimada Israel.

Qoraal kooban oo Jimmy Morales uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay go’aanka raritaanka Safaarada Guatemala ee Israel.

Madaxweyne Jimmy Morales, waxa uu nuqul kamid ah qoraalkiisa ku sheegay in arrinta raritaanka Safaaradiisa ay kawada hadleen Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Mr Jimmy Morales, waxa uu sheegay in Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aad usoo dhaweeyay go’aanka uu dalkiisa ku raraayo Safaarada, isla markaana ay hirgalinayaan go’aankooda.

Sidoo kale, Go’aanka Jimmy Morales kadib waxa ay Wargeysyada adduunka qoreen in dowlada Guatemala ay ka mid aheyd 9 kii dal ee diiday qaraarkii QM ee ugu baaqayay Maraykanka inuu ka laabto go’aankii Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

MadaxweyneTrump ayaa ku goodiyay inuu gargaarka ka jarayo dalalka kasoo horjeesto go’aanka Mareykanka.

Geesta kale, Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com