Safarkii jawaabta (madaxweyne Farmaajo iyo beesha dhexe)

Intii uusan bilaaban socdaalkiisa horaantii bishaan, dad badan ayaa aaminsanaa inuusan fiicneyn cilaaqaadka madaxweyne Farmaajo iyo beesha dhexe taas oo 50% xubnaha Dowladda dhexe ku matala ay mucaarad dheereya noqdeen, bilihii lasoo dhaafay waxaa dhacay qaladaad u muuqday kuwa aan laggu tallo galin iyo kuwo lasii qorsheeyay oo ay wax ku noqdeen dad beeshaa u dhashay.

Farmaajo ka hor, ma jirin xili ay beesha dhexe dhib la’aan aheyd, Dowladd kasta oo timid Villa Somalia qaladaad ayaa ka dhacay kaa oo ay shacab iyo saraakiil wax ku noqdeen, Soomaalidda oo dhan ayuu dhibkaa gaari jiray oo ay beesha dhexe ka mid tahay.

Waxaa ugub aheyd in mucaaradku ay faa’iido ka raadiyeen kicin dadweyne iyagoo dariiq beeleed u maraya, Farmaajo wuxuu la kulmayay cadaadis warbaahineed oo siyaasiyiinta beesha dhexe kaga imaanayay , waxaa loo arkayay inuu duulaan beeleed waddo laakiin marnaba isaggu taa kama hadal.

Safarkiisa oo dhowr nuuc loo dhigi karo ayaa u muuqday inuu jawaab u ahaa inuusan cidna duulaan ku aheyn, in Dowladdu ay qaldami karto laakiin aaney isku raaci karin in qollo gaara albaabadda laga xirto, in ahmiyadiisu ay tahay inuu dadkoo dhan hantiyo, iney siyaasiyiin is hayaan balse ay shacabku rabaan isagga, inuu u muujiyay siyaasiyiinta beesha dhexe in matalaadoodu ay halis ku jirto hadii aysan is badal la imaanin iyo inuu soo ogaaddo waxa ay rabitaankii loo qabay u dhibtay mucaaradadii ku socotay bilihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu helay jawaab, beesha dhexe waxey heshay jawaab ,siyaasiyiinta beesha dhexe ku mataladda dowladda federaalka ah iyaguna waxey heleen jawaab.

Farmaajo wuxuu ogaaday in beesha dhexe ay shacab ahaan xagiisa jirto, iney beeshu fahamsan tahay in qaladaadka dhacay aannu bartilmaameed aheyn, iney dowladinimadda u heelan yihiin iyo iney been ahaayeen wararkii laggu harqin jiray ee ahaa “beeshoo dhan waa kugu mucaarad”.

Shacabka beesha dhexe waxaa ay ogaadeen inuu madaxweyne Farmaajo raadinaayo midnimadooda, in aan la helin xili wax badan lagu qiimeyn karo iyo iney jiraan dad raadinaya iney beesha suurad xumeeyaan ayna muhiim tahay iney taa beeniyaan.

Siyaasiyiinta beesha dhexe waxey ogaadeen iney u baahan yihiin in mucaaradnimadooda ay xeelad u badalaan , iney ka tagaan kicinta beesha iyo ineysan gacanta ku heynin shacab ay ku gor gortamaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda socdaalkiisa ku joogo Dhuusamareeb waxaana sidoo kale la filaya inuu booqdo Caabudwaaq.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com