Safiir sharci daro kaga howlgalayo Soomaaliya lana Kulmay madaxweyne Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan safiir Dowladda UK uso magacowday Soomaaliya, kaasi oo wali aanan helin aqbalaad madaxweyne.

Safiirka cusub ee dowladda UK u fadhinaya dalka Soomaaliya ayaa isaga oo aan helin aqbalaad madaxweyne wuxuu ka shaqo bilaabay gudaha magaalada Muqdisho.

Sida xeerarka diblumaasiyadeed ay dhigayaan ma jiro safiir isaga oo aan la aqbalin ka shaqo bilaabi kara dalkii loo magacaabay, balse hadda ayay Muqdisho ka dhacday.

Safiirkan cusub oo lagu magacaabo David William Concar ayaa waxaa dowlada UK ay soo magacowday dhamaadkii dowladda Xasan Sheikh, wuxuuna kusoo aaday xiligii doorashada.

Mana jirin aqbalaad loo fidiyay safiirka cusub, balse dhismaha safaarada oo Xalane ku dhex taalo ayuu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo ururada bulshada iyo madaxda maamul goboleedyada qaar.

Wuxuu maalmo ka hor la kulmay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com