Xog: Muxuu yahay qorshaha Xasan Sheekh xil wareejinta kadib?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waddo qorshe uusan dalka kaga baxeynin, taasi oo inta badan ay sameeyeen madaxweynayaashii ka horeeyay.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo kooban uu dalka ka bixi doono balse uu kusoo laaban doono.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan inuu qorsheeyay in muddo seddex bilood ah uu ka maqnaado dalka Soomaaliya, kadibna uu kusoo laaban doono dalka, isaga oo dib aan kaga bixi doonin, ilaa safari gaaban mooyee.

Seddexdaasi bil ayaa waxaa uu qaadan doonaa nasiino iyo baaritaan caafimaad oo dhameystiran, maadaama muddooyinkii ugu dambeeyay uu aad ugu mashquulay siyaasada iyo doorashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sida qorshaha uu yahay wuxuu doonayaa inuu dalka ku sugnaado, halkaana uu kasii waddo qorshooyin kale oo dowladnimada la xiriira.

Waxaa kale oo soo baxaya inuu doonayo inuu noqdo mid Taariiqda kale, burburkii ka dib madaxweyne aan dalkiisa ka bixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com