Xog: 10 qodob oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato heshiiska saldhigga Imaaraadka ee Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shalay baarlamanka Somaliland waxa uu si rasmi ah ugu ogolaaday inay saldhig milatari ka sameysato magaalada Berbera ee xeebta leh.

Faahfaahinno ku saabsan heshiiskan u dhaxeeya dowladaha Somaliland iyo Imaaraadka ayaa billaabay inay soo baxaan markii heshiiska la ogolaaday, kadib bilo la isku dayayey in shacabka laga qariyo. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa toban waxyaabood oo muhiim ah oo heshiiska ku saabsan.

1 – Dowladda Somaliland waxay dhul aan baaxaddiisa la shaacin oo ku yaalla waqooyiga magaalada Berbera, kuna dhow xeebta badweynta Indian Ocean ka kireysay dowladda Imaaraadka. Imaaraadka waxay deked u gaar ah u dhisi doonaan saldhigga. Qalab kasta oo Imaaraadka ay kala soo degaan dekedda, wax canshuur ah lagama qaadi doono.

2 – Saldhigga Milatari ee Imaaraadka waxa uu jid toos ah u lahaan doonaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Berbera.

3 – Heshiiska kirada dhuleed ee labada dhinac, waxa uu socon doonaa 25 sano – Waxaana uu si rasmi ah u dhaqan galayaa marka la saxiixo. 25 sano kadib waxaa saldhigga milatari iyo dhammaan wixii maal-gelin ah oo lagu sameeyey la wareegi doona dowladda Somaliland.

4 – Saldhiggan milatari ma isticmaalo karo dal aan ka ahayn Imaaraadka, islamarkaana ma sii kireyn karaan dowladaha Somaliland iyo Imaaraadka labadaba. Heshiiska waxaa sidoo kale ku qoran in saldhiggan aan loo adeegsan karin wax ka baxsan waxyaabaha heshiiska ku qoran.

5 – Imaaraadka waxa ay Somaliland ka hir-gelin doonaan mashruucyada soo socda. Jid casri ah oo isku xira magaalada Berbera iyo magaalada xuduudda ku taalla ee Wajaale, dib u habeyn casri ah oo lagu sameynayo garoonka caalamiga ah ee Berbera, iyo mashruucyo kale oo dhinaca arrimaha bulshada ah, sida waxbarashada, caafimaadka, tamarta iyo biyaha, kuwaas oo loogu faa’iideynayo dadka Somaliland.

6 – Imaaraadka waxay fursado shaqo u abuuri doonaan muwaadiniinta Somaliland muddada 25-ka sano ah ee heshiiska uu socdo,. Imaaraadka waxay sidoo kale qafiifin doonaan xayiraada socdaal ee muwaadiniinta Somaliland.

7 – Imaaraadka waxa ay si buxuda Somaliland ugala shaqeyn doonaan arrimaha la xiriira amniga qaranka. Tani waxaa qeyb ka ah, kala shaqeynta sidii biyaha Somaliland looga ilaalin lahaa kalluumeysiga sharci-darrada ah, sunta lagu shubo iyo burcad badeedda.

8 – Imaaraadka waxay ballan-qaadeen inay xushmeyn doonaan xuquuqda iyo xoriyadda muwaadiniinta Somaliland, waxayna ballan-qaadeen inaysan sameyn doonin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo halis gelinaya amniga qaran ee Somaliland. Imaaradka ayaa sidoo kale mas’uul ka ah ilaalinta iyo dhismaha qalabka iminka ee garoonka Bebera.

9 – Dowladda Somaliland mas’uul kama ahan musiibo bani aadannimo oo saameyn ku yeelata dhaqdhaqaaqyada saldhiggan. Haddii musiibo bani aadannimo ay dhacdo, labada dal waxay si buuxda gacan uga geysan doonaan howlaha gargaarka.

10 – Haddii muran uu dhaco, labada dhinac waxaa la siin doonaan muddo 30 maalmood ah oo muranka lagu xaliyo. Haddii muranka aan lagu xalin 30 maalmood gudahood, waxaa muranka la geyn doonaa maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhexaadinta ee London ee loo soo gaabiyo (LCIA). Labada dhinac waxay xaq u leeyihiin inay raadiyaan in heshiiska la baabi’iyo. Haddii dhinac ka mid ah labada dhinac aanu dooneyn in heshiiska la baabi’iyo, waxaa arrinta lala tagayaa maxkamadda LCIA.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com