Safiirka cusub ee ITOOBIYA oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu soo dhaweeyay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo dirtay Soomaaliya, Mukhtar Mohamed Ware.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) ayaa danjiraha kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho, isaga oo ku soo qaabilay xafiiskiisa wasaaradda.

Huruuse ayaa sidoo kale waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiir Mohamed Ware oo beddalaya danjirihii hore ee Itoobiya oo muddo xileedkiisa dhameystay.

“Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Ethiopia H.E Mukhtar Mohamed Ware” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya iyo Itoobiya oo daris ay ka dhexeeyaan dano badan, sida ammaanka, socdaalka, ganacsiga iyo diblumaasiyadda.

“Dalka Ethiopia waxaan wadaagnaa xudduudda ugu dheer ee aynu la leenahay dalalka deriska ah, waxaana nagala dhaxeeya xiriir dhanka dadka ah iyo Iskaashi dhinacyada Ammaanka, Socdaalka,  ganacsiga iyo Diblumaasiyadda caalamiga ah,” ayuu markale yiri.

Dhanka kale waxa uu wasiirku safiirka cusub ee Itoobiya u rajeeyay guul iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada waddan.

“Waxaan rajaynayaa in danjiraha cusubi sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee labada dal” ayuu raaciyay qoraalkiisa.

Safiirka cusub ee ay soo dirtay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale tegi doono xarunta Villa Soomaaliya, si uu waraaqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Itoobiya ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee Soomaaliya.