Cali Yare: Waxaa la gaaray waqtigii lala xisaabtami lahaa maamulka shirkadda BECO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa soo jeediyey in la maxkamadeeyo maamulka shirkadda Korontada ee BECO.

Cali Yare ayaa sheegay in korontada BECO ay dhibaato naf iyo maalba saameysay u geysatay dadka reer Muqdisho, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii shalay ka kacay isbitaalka Martiini, wuxuuna qormadiisa ku faahfaahiyey sidii ay wax uga dhaceen isbitaalka.

“Shirkadda BECO waxay gubtay Isbitaalka Martiini qeybta bukaannada markii mishiinka suuxiska iyo oxygen-ka ay dab xoog leh ku furtay BECO, iyada oo dhaqaatiirtu ay gacmaha kula jireen qalliin ay ku badbaadinayeen dad shacab ah, kadibna ay korontadii fiilooyinka raacday taas oo keentay gubashada qaboojiyayaashii isbitaalka, dhismihii iyo agab kale oo caafimaad taas oo markii danbe sababtay in si bukaannadii loo badbaadiyo loo daad gureeyay Isbitaalka Digfeer,” ayuu yiri Cali Yare.

Wuxuu sheegay in 106 qof oo korontada BECO ay dishay uu diiwaan geliyey intii uu joogay xafiiska, sidoo kale wuxuu qormadaan ku soo bandhigay lacag badan oo lagu qiimeeyey khasaarihii dhaqaale ee mudadaas ay geysatay korontada BECO.

“Muddadii aan xafiiska joogay inta aan diiwaan galinnay dadka rayidka ay ee u geeriyooday sababta korontada shirkadda Becco waxay gaarayeen 106 qof iyo khasaare nus Milyan Dollar lagu qiyaasay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Yare.

Ugu dambeyntii wuxuu Cali soo jeediyey in lala xisaabtamo maamulka BECO oo maxkamad lasoo taago, iyadoo laga qaadayo magdhowga dhibaatooyinkii ay geysatay korontada BECO.

“Runtu waa in la gaaray waqtigii shirkadda Becco lala xisaabtami lahaa oo maamulka shirkadda la horkeeni lahaa hey’adaha garsoorka dalka, iyada oo shaqada koowaad laga billaabayo magdhowga hantidii shirkaddu ku burburisay oo ay ugu danbeeyeen Isbitaalka iyo xaafadda Kalluunka,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Banaadir Cali Yare.

Waxaa xusid mudan inaan si madax-banaan loo xaqiijin karo sheegashooyinka Cali yare.

BECO waxay ku jirtaa shirkadaha ugu waaweyn ee bixiya korontada ay isticmaalaan dadka reer Muqdisho, waxaana soo badaneysa cabashada laga qabo khatarta iyo khasaaraha ay mararka qaar u geysto dadka.

Khatartaas waxaa macaamiisha BECO iyo dhamaan shirkadaha bixiya korontada u dheer dhaqaalaha badan ee dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ay ku helaan adeegga korontada, waxaana Soomaaliya lagu qiimeeyaa inay kalainta hore uga jirto dalalka ugu korontada qaalisan dunida.