Safiirka DF oo war ka soo saaray dhaawacyo la sheegay in laga soo celinayo Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa beeniyey in si qasab ah loo soo celinayo dadka dhaawaca ah ee la geeyey dalka Turkey.

Safiirka ayaa sheegay in safaaradda aysan mas’uul ka ahayn dhaawacyadii halkaas la geeyay bishii hore 30-keedii kadib qaraxii Ex-control Afgooye, islamarkaana aysan soo celineyn.

“Waxaan cadaynayaa in ay dowlada Turkiga aad iskaga xil saartay, dadkii Turkiga ahaa ayaa laga hor mariyay caafimaadkooda, dowlad safaarad iyo shacab waxaan dul taagneyn maalin kasta, xataa lacago ayaan u aruurinay” ayuu yiri.

“Dadkaas qaarkood ma wataan baasabooro, Visa kuma imaan, waxaan safaarad ahaan shaqo aan ku leenahay maahan, laakiin waa dad Soomaaliyeed waan Kormeereynaa wixii adeeg ah ka safaarad ahaan waan u qabanaa, laakiin go’aanka in ay caafimaadkooda dhameysteen oo dalkii lagu celinayo waxaa iska leh dowlada Turkiga iyo wasaarada caafimaadka Turkiga” ayuu yiri danjire Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid).

Hoos ka daawo safiirka

Cabdixakiin Cilmi Xasan