‘Shirqool lagu weerari rabo’ musharaxiinta mucaaradka Galmudug oo laga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasaiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay wax uu ku sheegay shirqool lala damacsan yahay musharaxiinta mucaaradka ee madaxweynaha Galmuudg.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hogaamiya xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in rag loo haysto danbiyo ay Dhuusomareeb geeyeen farriimo la sheegay in ay madaxda dowladda ka sidaan.

Farriimahaas ayuu sheegay inay yihiin in la weeraro siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaanka Dowladda Federaalka ah, sida uu hadalka u dhigay. Ma jirto cid xaqiijin karta warka Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan ma magacaabin shaqsiyaadka “fariintan ka sidda madaxda dowladda” ee uu eedeynta u jeediyey.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Waxaan xog ku helayaa in rag loo haysto danbiyo dagaal ay magaalada Dhuusamareeb geeyeen farriimo la sheegay in ay madaxda dowladda ka sidaan oo ah in la weeraro siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaanka Dowladda Federaalka ah.

Waxaan ugu baaqayaa saraakiisha ciidanka in ay dibad joog ka ahaadaan loolanka siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, kuna ekaadaan sugidda amniga iyo la dagalaanka argagexisada, kuna cibra qaataan kuwa horay danbiyada la geliyey oo waysan meel ay maanta ciirsadaan, raadinayana saraakiil sidooda oo kale danbiyada ku wehashadaan.