Dowlada UK oo shaacisay arrin ay Somaliland sumcad xumo weyn ka qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Dowlada Ingiriiska ayaa markii u horeysay sheegtay in Somaliland ay wajaheyso sumcad xumo weyn oo ay kala kulantay cabudhinta ay kula kacdo warbaahinta ka howl-gasha iyo Suxufiyiintaba.

UK ayaa ka deyrisay Suxufiyiin ay xidhay Xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo aan ilaa hadda la horgeynin Maxkamada, midaasi oo wax laga xumaado ay ku tilmaamtay.

Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa oo hadal ka jeedinayay Madal lagaga hadlayey Xoriyadda Saxaafada, ayaa Xukuumada Biixi ku canaantay falalka ka dhan ah xoriyatul qolka ee ay ku kacdo, wuxuuna yiri

“Soddon iyo kow kiis oo xadhig ah ayaa dhacay sanadkii 2019 balse Shan ka mid ah ayaa maxkamadd la geeyey, maxay taasi ku dhacday, aniga oo ka xun inaan si taban u hadlo. Somaliland sumcad xumo ayay ka qaaday cabudhinta xoriyadda hadalka”.

“Hadii aan la hadlo diblomaasiyiinta aanu saaxiibka nahay, waxay igala hadlaan xuquuqda aadamaha, iyo iyaga oo leh suxufiyiintu waxay ku jiraan xaaladd adag. Waxa kale oo aanu maqalnaa in Somaliland ay meel sare kaga jirto marka la eego xoriyadda hadalka ee dalalka gobolka, hadaba siday wax u jiraan, sideebaa loola tacaali karaa fahamkaas”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Lix iyo labaatankii Suxufi ee kale ee aan kiisaskooda maxkamadaha la keenin maxaa loo soo qabtay markii hore, siday wax u jiraan, yaa eedaasi iska leh, way fududahay in farta la isku fiiqaa”.

“Waxay ila tahay in mas’uuliyaddu ay fadhido meelo badan. Waxaynu hadda ognahay in aanay jirin qaab sharciyeed sax ah, waanay fiican tahay in wasiirka warfaafinta oo hadda halkan inala joogaa uu hore u riixayo arintaasi”.