Ahlu-Sunna oo shaaca ka qaaday sababta aysan ugu tanaasulin doorashada DF

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxda Ahlu Sunada Galmudug ayaa wax laga weydiiyay sababta aanay ugu tanaasulin doorashada ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka Somaliya, una qabteen doorasho kale oo taasi liddi ku ah.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha xigga ee Galmudug, ee garabka Ahlu-Sunna ayaa ka jawaabaya su’aasha ah, maxaa Ahlu Sunna tanaasul u diiday?

“Waxaanba halkaan ku soo gaarsiinay tanaasul, laakiin dowladda maba aad sheegi kartit waxay ka tanaasushaba.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ay soo doorteen Xildhibaanada garabka Ahlu Sunna.

Sheekh Maxamed Shaakir oo wareysi siiyay VOA ayaa tilmaamay in imaanshaha dowladda ee Magaalada Dhuusamareeb, ay ku timid tanaasul ay u sameeyeen isaga iyo Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, waa Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

“Anagaa u tanaasulnay, Madaxweyne Xaaf iyo anigaa u tanaasulnay Dowladda Federaalka oo halkaan ku soo dhaweynay. Anagoo maamul haysana mideynay. Galmudug oo kala taagan saddex meelood iyo dhawr meelood u kala go’go’an uun baa inta shir qabanay, oo Jabuuti lagu soo heshiiyay ayaa calankeenii mid ka dhignay, ayadoo laba calan laheyd, dastuurkeedii baan mid ka dhignay, laba dastuur bay laheyd, astaanteediiyaa mid ka dhignay, magaciibaa mid ka dhignay oo Galmudugaa wada qaadanay, ciidankeediiyaa mid ka dhignay.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku waramaya iyagoo marxalad wanaagsan ku naalloonaya inay dowladdu ku tiri waxaan dhiseynaa maamul ka wanaagsan midka ka dhisan Gobolada Dhexe.

“Markii aan mideynay oo magaaladii caasimadda ahayd bash-bash iyo baraara aan ku joognay, uun baa Dowladda Federaalka Somaliya waxay tiri Galmudug ka fiican midaan iyada ahaa dhiseynaa, bal xoogaa ka wareega. Markii aan isku adkeynana waxaan dareenay in dowladdu meel kale wax ka shideyso, si aan dab kale loo shidinaa u tanaasulnay aniga iyo Madaxweynihiiba. Markaan u tanaasulnayna dabkii la shidaayay waa iska shidmaa maahee wixii la saara waa bislaan diideen.” Ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Shaakir waxa uu xilligan Villa Somalia ka doonayan inay ka tanaasusho doorashada ay toddobadka soo socdo qorsheyneyso inay ku qabato Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay taageerto doorashadii isaga loogu soo doortay Hoggaanka Galmudug.