Wasiir Cabdirashiid Janan oo maanta gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Janan ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubaland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Cabdirashiid Janan ayaa dekedda Kismaayo ku tegay doon, waxaana kadib loo gudbiyey madaxtooyada Jubaland oo uu hadda ku sugan yahay.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in Janan uu jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, islamarkaana marar badan soo bedeshtay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, isaga oo jebiyey daaqadda.

Xilligaas ayaa Janan wuxuu ku sugnaa guriga kaliya shan maalmood kadib markii laga soo wareejiyey xabsiga uu kaga xirnaa magaalada.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga qabtay 31-kii August 2019, xilligaas oo uu hakad ku ahaa, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa.