Janan oo diyaarad ciidan looga qaaday KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Janan ayaa waxaa Kismaayo ka qaaday diyaarad ciidan, oo ay leeyihiin militariga dalka Kenya, oo gaysay Nairobi, sida ay xubno ka tirsan maamulka Jubaland u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Xubnahan ayaa sidoo kale sheegay in sababta Janan loogu qaaday Nairobi ay tahay in lagu soo sameeyo baaritaan caafimaad, maadaama muddo shan bilood ah uu ku jiro xabsi.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kula kulmo magaalada Nairobi Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka mid ah Madax ka tirsan dowlad goboledyada oo ku sugan caasimada Kenya.

Janan ayaa la rumeysan yahay inuu ku xanuunsaday xabsiga, taasi oo ahayd sababta markii hore looga soo saaray ee loogu soo beddelay xabsi guriga, halkaasi oo uu ka baxsaday 28-kii Janaayo, sida ay sheegtay taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Jeneral Zakiya Xuseen.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga qabtay 31-kii August 2019, xilligaas oo uu hakad ku ahaa, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa.