Sawiro: Mashruuca garoonka cusub ee diyaaradaha ee Muqdisho oo la sahmiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sahankii u horeeyay oo ah Mashruuc lagu dhisayo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilowday, ayada oo garoonkan uu ku fariisan doono dhul cabirkiisu yahay 14KM.

Xubno ay ka mid yihiin xildhibaan Cabdulqaadir Carabow, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo Ganacsato ayaa waxaa ay kormeer ku tageen halka laga hirgelin doono Garoonka oo ah duleedka Waqooyi Bari ee Magaalada Muqdisho.

Garoonkaan ayaa waxaa laga dhigi doonaan mid ku habboon istiraatiijiyad ahaan, waxaana mashruuca lagu dhisayo uu noqon doonaa kii ugu ballaarnaa ee laga fuliyo Soomaaliya.

Goobta la sahmiyay ayaa Muqdisho u jirta ku dhowaad 35KM, waxaana dhul ahaan ay ka tirsan tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay u dhaxeysa Dekedii Ceel Macaan iyo degmada Warsheekh.

In garoonka cusub laga dhiso dhulkan ayaa waxaa dadaal u galay xildhibaano kasoo jeeda deegaanka oo uu ugu horreeyey xildhibaan Cabdulqaadir Carabow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhulkan uu yahay kan ugu habboon ee garoonka laga dhiso karo, marka la eego sida uu u wanaagsan, iyo masaafada uu u jiro magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintii booqday dhulkan loo qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed ayaa sidoo kale isla qaatay inay tahay meel istiraatiijiyad ah oo ku habboon dhismo garoon diyaaradeed, marka loo eego baaxada dhulka uu ku fadhiyo, dhanka xeebta uu saaran yahay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in mustaqbalka laga guuri doono, maadaama magaalada gudaheeda uu ku yaallo, garoonkana uu isku bedelay meelo deegaan u ah Safaarado iyo Hey’addo shisheeye, sidaas darteed mustaqbalka la rajeynayo in garoon weyn oo caalami ah laga dhisi doono duleedka Muqdisho.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa horay u balan-qaaday mashaariic ku baxaya ballaayiin doolar inay ka hirgelin doonto Soomaaliya, kaasoo uu ku jiro garoon diyaaradeed.