Safiirka Imaaradka Carabta ee Soomaalyia iyo wakiilka QM oo Muqdisho ku kulmay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta Xarunta Safaaradda ee Muqdisho kula kulmay ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu soo bandhigey kulankaas labada dhinac, hase yeeshee laguma faah faahin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib muddo sanad iyo bilo uu ka maqnaa, markii u horeysay oo uu soo muuqdo waxay aheyd furitaankii Machadka Tababarada Diblomaasiyadda oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, kaasoo ay maalgelisay dowladda Qatar.

Kulanka dhex maray James Swan iyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa kusoo aadayo waqti wargeys Turkish ah uu Imaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ku lug leedahay qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, hay’adda NISA ayaa sheegtay in qaraxaas ku eedeysay dal shisheeye, balse ma aysan magacaabin.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xilligaan xiriirkooda xumaa tan iyo markii uu xumaaday kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Garoonka Muqdisho ku qabatay lacag dhan 10 Milyan oo Dollar oo laga lahaa Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa sidoo kale Xariir wanaagsan la leh Maamul Goboleedyada dalka Qaarkood sida Puntland, Jubbalnd iyo Somaliland oo iyadu tan 1991 raadinaysa Madaxbanaani ay ka qaadato Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ay cod u qaadeen qodob ku saabsanaa in dalka laga saaro Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ka caawin jirtay dhinaca tababarada Ciidamada.