Safiirka Iran oo Muqdisho ku dharbaaxay WASIIR ka tirsan DFS (DFS oo dirtay warqad lala yaabay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, kadib markii safiirka Iran ee Muqdisho uu xafiiskiisa ku bah dilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye.

Safiirka, oo Iran ay u taqaan “Chargé d’affaires”, laguna magacaabo Javad Dehghan Lotfabadi ayaa dharbaaxo iyo aflagaado isugu daray Kadiye, oo uu ugu yeeray xafiiskiisa.

Xubno ku sugan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in Javad Dehghan Lotfabadi uu aad uga carreysnaa xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka, oo Iran ay isku hayaan dagaallada Yemen.

Javad Dehghan Lotfabadi
Javad Dehghan Lotfabadi

Iran ayaa waxa ay taageertaa Xuutiyiinta Yemen oo shiico ah, halka dalalka Khaliijka ay ka taageeraan dowladda oo Sunni ah.

Mr. Javad Dehghan Lotfabadi oo Kadiye u yeeray ayaa la sheegay inuu wax ka weydiiyey arrimahaas, balse markii jawaab wanaagsan uu ka waayey ay is hadal dhaafeen, taasi oo aad uga carreysiisay dhalisayna gacan ka hadalka. Kadiye ayaa la sheegay inuusan wax jawaab ah bixin waqtigaas.

Warqadda ay dowladda Soomaaliya u dirtay wasaaradda arrimaha dibedda ayey ku faah-faahisay dhacdadaas oo dhacday May 26 2015. Warqadda cabashada waxaa ku taariikheysan June 6, 2015. Illaa iyo hadda Iran wax jawaab ah laga helin.

Warqadda ay dirtay dowladda Soomaaliya kuma qorna wax hanjabaad ah, lagumana sheegin wax ficil ah oo ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya, waxaana ay u muuqataa kaliya mid cabasho iyo ogeysiin ah, taasi oo yaabkeeda leh.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com