Xog: Xiriirka Xasan Sheekh iyo Turkiga oo gebi ka laalaada (Xasan oo lagu iibsaday $20 milyan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Turkiga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maraya meel aad u xun, xilli Turkish-ka ay tuhunsan yihiin in ballan ka bax iyo xagal daacin lagu sammeeyey.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dib u dhiskii Turkiga uu ka waday goobo badan oo Muqdisho ku yaalla uu hakad ku yimid, kadib markii qandaraaska loo cusbooneysiin waayey.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu jiro tuhun ku saabsan in qanadaraasyadaas lagu wareejin dono dowladda Imaaraadka Carabta, oo bilihii ugu dambeeyey galaanlal xooggan ku lahayd siyaasadda Soomaaliya.

Warqad Turkiga ay soo direen oo lasoo marsiiyey safaaradooda Muqdisho, loona sii gudbiyey Villa Somalia ayaa weli wax jawaab ah laga siin Turkiga, taasi oo aad uga carreysiiyey wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga.

Carrada Turkiga ayaa keentay inay hakad geliyaan lacag shan milyan oo dollar ah oo ay bil walba siiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay dad ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online, xiriirka sii xummaanaya ee Turkiga iyo Somalia ayaa waxaa sabab u ah dowladaha Imaaraadka iyo Qatar oo isku dayaya inay Turkiga ka saaraan Soomaaliya.

Xubno ku sugan Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh lagu iibsaday 20 milyan oo dollar bishii, ayada oo Imaaraadka ay lacagtaas u ballan qaadeen bil walba, hadddii uu xiriirka Turkiga si tartiib ah u jaro.

Sida xogtu leedahay, Xasan Sheekh ayaa 5-ta milyan ee Turkiga ay siiyaan bil walba ka doorbiday 20-ka milyan ee Imaaraadka, balse hilmaamsan mashruucyada kale ee Turkiga ay ka wadaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegaya inuu iska indho tirayo tallooyin badan oo loo soo jeediyey oo ku saabsan in Imaaraadka ay doonayaan kaliya inay Turkiga ka saaraan Soomaaliya, kadibna dhammaan lacagtan tirada badan iyo ballanqaadyada ay joojin doonaan marka ay ku guuleystaan hadafkooda.

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa la filayaa inuu meel sare gaaro maanta ayada oo sida aan xog gaar ah ku helnay ay sheegeyso uu wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi uu tagi doono Muqdisho, halkaasi oo heshiisyo dhowr ah uu kula saxiixan doono madaxda dowladda Soomaaliya.

Booqashadan ayaa la filayaa inay shidaal kusii shubto xiriirka sii xumaanaya ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Turkiga waa lagu abaal dhacay, balse aan aragno halka ay ku dambeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com