Ahlu-sunna oo maanta qabsatay Dhuusomareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in ciidamada Ahlus unna ay la wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa ku sugan bartamaha magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna ay gacanta usoo gashay magaalada kadib markii ciidamada dowlada ay cabsi darteed isaga baxeen magaalada.

Waxaa mararka qaar la maqlayaa dhawaqa rasaas ay ridayaan ciidamada Ahlu sunna ee la wareegay gacan ku heynta magaalada Dhuusomareeb.

Maalmihii ugu dambeeyay ma aysan jirin cabsi laga qabay dagaal ka dhacaya magaalada Dhuusomareb iyo deegaanada ku xeeran, laakiin dadka deegaanka ayaa arintasi la yaaban.

Axmed Maxamed Cabdulaahi oo sheegay inuu yahay gudoomiyaha degmada Dhuusomareeb ee Ahlu sunn ayaa guulo ka sheegtay qabasashada Ahlu sunna maanta ay qabsadeen degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay in degmada ay si nabad ah kula wareegeen oo aysan jirin iska caabin xoogan oo ay kala kulmeen ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Dhuusomareeb.

Ciidamadooda ayuu sheegay gudoomiyaha iney adkeyn doonaan amaanka magaalada, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin buuxda ka bixiyay sababaha ka dambeeya iney qabsadaan degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com