Fartaag oo goodiyay iyo xildhibaanada Jubba ka jooga Muqdisho oo amar hor leh lagu soo rogay!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxtooyada Maamulkaasi uu iminka ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Madaxda ugu sareysa Maamulka.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa la sheegayaa inuu shir gudoominaayo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘’Fartaag’’, waxa uuna yahay shirka mid khuseeya Go’aano saacadaha soo socda la filaayo in Maamulka uu soo saaro.

Kulanka oo ay ku dhamaayeen dhammaan madaxda maamulka Jubbaland ayuu hadalkaan kusoo xiray Fartaag, waxa uuna ku goodiyay in DF Somalia ay shalaay ku dambeyn doonto.

“Waxaan fareynaa dhamaan xubnaha baarlamaanka ee kasoo jeeda Jubbaland in si degdeg ah kusoo galaan si loo sameeyo wada tashi, saacadaha soo socda waxaa naga soo bixi doona Isbedal kale oo degdeg ah”

Fartaag ayaa u yeeray xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland, waxa uuna u jeedka yeeritaankiisa ku sheegay mid ay ku wada yeelan doonaan wada tashi.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Maalinimadii shalay uu Baarlamanka Somalia qaaday cod kalsoonida lagala noqday Baarlamanka Jubbaland waxaana arrintaasi ay dhalisay khilaaf xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com