Puntland oo aflagaadeysay BF Somalia + Cadeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan dhex maray Maamulka Puntland ayaa waxaa laga soo saaray go’aanka Maamulka kaga aadan mooshinkii lagu sharci tiray Baarlamaanka Jubba.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu Cambaareynaayo go’aanka BF Somalia uu ka gaaray Baarlamaanka Jubba. Waxaa sidoo kale ku qornaa ereyo aflagaado ah oo ka dhan xildhibaanada qaranka Soomaaliya, sida “Waxay ka dhinteen dareenkii waddaniyadda”.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/laahi Maxamed Jaamac “Quraan Jecel”, ayaa laga soo xigtay in Puntland ay garab istaageyso Maamulka Jubba waxa uuna waxkama jiraan ku sheegay go’aanka shalay uu soo saaray gudoonka sare ee BF.

MOWQIFKA-DAWLADDA-PUNTLAND-744x1024

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com