Dhaawacyada iyo ciidamadii maanta laga saaray Dhuusomareeb oo tagay goob aan laga fileynin !!

Cadaaado (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan halka ay aadeen ciidamadii saaka laga saaray degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo ka baxay degmada.

Wararka aan ka heleyno magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka baxay magaalada Dhuusomareeb ay tageen magaalada Cadaado, halkaasi oo aan laga fileyn iney tagayaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo dhaawacyo qabo la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Cadaado halkaasi oo lagu baxnaaninayo dhaawacyadooda, waxaana askarta qaarkood dhaawacyo ay ka gareen gaadidkii ay la socdeen oo xawaare dheereeye ku socday.

Askarta ayaa qaarkood ku dhaawacmay weerarkii saaka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoo ciidamo badan ay tageen magaalada Cadaado kuwaasi oo laga dareemayo dhaqdhaqaaqooda magaalada Cadaado.

Dhanka kale Ahlu sunna ayaa baaritaano ka sameeyay guryaha ay degenaayeen madaxda dowlada Soomaaliya ee degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, sida guriga gudoomiyaha degmada Dhuusomareeb iyo saraakiisha ciidamada dowlada.

Waxaa haatan degen xaalada degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana bilowday dhaqdhaqaaqii ganacsi.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com