Dowladda Somalia oo isku khilaafsan sida looga jawaabi lahaa go’aanka maamulka JUBBALAND!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in kulan halkaasi ka dhacay uu biyo dhiciisu noqday mid lagu kala kacay kadib markii leysu khilaafay qaabka looga jawaabi lahaa go’aanka kasoo baxay Maamulka Jubba.

Kulanka oo ahaa mid u dhexeeyay Madaxtooyada, wasiiro iyo Xildhibaano ayaa waxa lagu kala qeybsamay jawaabta laga bixin lahaa tan kasoo yeertay labada gole ee Maamulka Jubba.

Inta kulanka uu socday ayaa waxaa qaar kamid ah Mas’uuliyiinta ay soo jeediyeen inaan wax jawaab ah aan laga bixin go’aanka kasoo baxay Maamulka, waxa ayna sheegen inaysan suuragal aheyn in DF ay dhag jalaq u siiso warar ceynkaasi ah oo xamaasad lagu abuuraayo.

Garabka kale ayaa iyagu qaadacay fakirka ah inaan laga jawaabin waxa ayna soo jeediyeen in DF Somalia ay ku adkeysato mowqifka kasoo baxay BF islamarkaana aan wax wafdi ah loo dirin Kismaayo si loo muujiyo awooda Dowlada.

Waxa ay sheegen in Dowlada kaliya looga baahan yahay inay saxaafada isugu yeerto islamarkaana ay baahiso inay raacsan tahay Mowqifka kasoo baxay BF.

Waxa ay ku taliyeen inaan hoos loo dhigin maqaamka DF iyo go’aanada kasoo baxa labada gole, iyagoona ku dooday in Maamulka Jubba uu kamid yahay maamulada dalka ka jira loona baahan yahay inay u hogaansamaan awaamirta Dowlada Dhexe.

Kulanka oo dhowr saac qaatay ayaa waxa uu kusoo idlaaday natiijo la’aan waxa uuna codku ahaa mid u badnaa in hadalka Maamulka Jubbaland aan meel laga soo qaadin bacdamaa ay sheegen inay muujinayaan inay ka awood badan yihiin DF oo ay ka talaabayaan shuruucda dalka.

Waxaa lagu wadaa in Caawa Madaxtooyada Somalia uu ka dhaco kulan lagu sii xoojinaayo kan iminka leysu khilaafay waxaana la filayaa inay ka qeyb qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa dalka, waxa uuna ka duwanaan doona midka mirro dhalkiisu noqday Khilaafka .

DF Somalia oo muujineyso jiljileec ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ku tagri faleyso sharciga awooda u siinaayo inay xakameysa Maamul Goboleedyada dalka ka jira waxa ayna tani ka turjumeysaa in DF amarkeeda iyo shuruucdeeduba uusan ka shaqeyn dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com