XOG: Ethiopian-ka ku sugan Dhuuso-Mareeb oo amar lasiiyay iyo DF SOMALIA oo ka hadashay…

Dhuusomareeb (Caasimada Online) Ciidamada dowlada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta indhaha ka daawatay weerarkii Ahlu sunna ay ku galeen magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa weerar kaga qaaday degmada Dhuusomareeb dhanka degmada Guriceel iyo degaanada ku xeeran ayna galeen magaalada iyagoo dagaal kooban galay.

Dagaalka ayaa ka dhacay intiisa badan guri taliye lagu magacaabo Sulub uu ka degen yahay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kaasi oo dhaawacyo badan sababay.

Gudoomiyaha degmada Dhuusomareeb ee dowlada Soomaaliya Mr Geedo Qorow ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada aysan wax jawaab ah ka bixin dagaalkii maanta, ayna u muuqdeen kuwo raali ka aha.

Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in amar lagu siiyay ineysan Ahlu sunna ka difaacin magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayna u ogolaadeen iney magaalada bartamaha u galaan.

Ciidamada Ethiopia ayaa u muuqda kuwo raali ka ahaa weerarkii maanta ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, iyagoo daawanaya dhiiga ku daatay Dhuusomareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com