Saraakiishii dowladda Soomaaliya u qaabilsanaa isku dhafka ciidamada oo Kismaayo laga eryay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in goordhow Saraakiil ka socotay Dowladda Somaliya oo maalmahaanba Magaalada Kismaayo u joogay arrimo la xiriira isku dhafka Ciidamada Qaranka goordhow laga soo eryay Kismaayo.

Saraakiisha oo tiro ahaan lagu sheegay 13 ayaa waxa ay kasoo ambabaxeen garoonka Kismaayo kadib markii Xalay lagu wargaliyay inay isaga baxaan Kismaayo.

Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka soo degay diyaarad nooca rakaabka yar qaada oo ay la socdeen tiro Saraakiil ah oo boorsooyinkooda kasoo rartay Kismaayo kuwaasi oo la sheegay in diyaaradu ay u dirtay Wasaarada Gaashandhiga Somalia.

Arrintaani ayaa ka dambeysay kadib markii Jubbaland ay ka carootay Mooshinkii uu shalay ansaxiyay Baarlamaanka Somaliya, oo horey looga keenay in si sharci daro ah lagu soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Maamulka ayaa iclaamiyay inay xiriirka u jareen Dowladda Federalka Somaliya, islamarkaana aynaan wax gorgortan ah ka geli doonin ansaxinta Mooshinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com