Sawiro: Sidaan sii sheegnay, wasiirka A/dibedda UAE oo Xamar tagay + Heshiis halisa oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan shalay xog gaar ah ugu shaacinayba, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada.

Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya iyo dadaallada xooggan oo ay bilihii dhowaa ku bixineysay Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa ku weyn, abaal weyna ay idin kaga hayaan, mashaariicda qiimaha leh ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka fulinayso waddankan, waxayna taasi dhiirigelineysaa dadaalka ku aaddan dib u soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha”, ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Waxaa uu sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, isla markaana dowladdiisu dooneyso in waddamada Khaliijka ay door ka ballaaran midka hadda jira ay ka cayaaraan dib u dhiska Soomaaliya.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa qabsoomey shir kale oo laba geesood ah oo ay yeesheen labada dal. Dhanka Soomaaliya waxaa kulankaasi horkacayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen wasiirrada Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Waxbarashada, Amniga, Taliyaha Booliska iyo xubno kale, iyadoo dhanka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan , Reem Al Hashimy oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan xukuumadda Imaaraadka, Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al Othman iyo xubno kale.

Looma sheegin saxaafadda waxyaabaha gaarka ah ee kullankaas looga hadlay, sidoo kalena looma soo bandhigin heshiisyo ay dowladaha Soomaaliya ay kala saxiixdeen oo dhowr ah.

Si kastaba Caasimada Online oo laba warbixin oo gaar ah ka qortay socdaalkan, waxaa ujeedooyinkiisa ka mid ah qorshe Khaliijka ay Soomaaliya uga raadinayaan dagaalyahanno uga dagaalama Yemen oo ka hortagga fiditaanka Xuutiyiinta shiicada ah. Halkan ka aqri warbixintaas.

Sidoo kale waxaa socda dadaal Imaaraadka ku doonayo in Soomaaliya ay uga baxaan Turkiga oo muddo caawinayey dadka Soomaaliyeed, ayaga oo lacag xaddhaaf ah u ballan qaaday Xasan Sheekh. Halkan ka aqri xogtas.

uae 1uae 2uae 3uae 4uae 5uae 6uae 6uae 7

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com