Sawirro: Soomaalida Minnesota iyo Farmaajo oo taariikh cusub xalay u dhigay Soomaalida (Aqri)

Minneapolis (Caasimada Online) – Soomaalida Minnesota ayaa xalay taariikh cusub oo dhanka dimuqraadiyadda ah sammeeyey, kadib markii ay billaabeen ololihii ugu horreeyey ee shacabka ay ka maal-gelinayaan musharaxiintooda madaxnimo.

Soomaalida Minnesota oo xalay Minneapolis kusoo dhoweeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay inay maalkooda ku taageeraan Farmaajo iyo xisbiga Tayo ee uu hoggaamiyo.

Dad ku dhow 500 qof ayaa oggolaaday in midkiiba uu 100 dollar ku tago casho sharaf ay soo qaban qaabiyeen wakiilada xisbiga Tayo ee Minnesota, oo ay kula kulmayeen Farmaajo.

Dhammaan lacagtii kasoo xarootay kullanka ayaa lagu maal-gelin doonaa xisbiga Tayo iyo ololaha doorashada 2016-ka ee Farmaajo, oo la rajeynayo inuu tartamo.

“Weli kama aysan dhicin Soomaaliya ama Soomaalida dhexdeeda in ay lacag kula kulmaan hogaamiyayaashooda ayada oo ujeedku yahay inay maalgashtaan mustaqbalka dalkooda” ayuu yiri mid ka mid ah ka qeyb galayaashii kullanka.

“Waan aragnay in qaaraan ehel ama mid qabiil lacag loo uruuriyo, balse tan waa arrin wanaagsan oo cusub” ayuu sii raaciyey.

Casho sharaftii xalay ayaa billow u ah kuwa badan oo nooceeda ah oo ka dhici doona waqooyiga Amerika iyo Yurub, waana tallaabo muujineysa sida looga kaaftoomi karo dalalka shisheeye ee iibsada musharaxiinta madaxnimo ee Soomaaliya.

farmaajo 1farmaajo 2farmaajo 3farmaajo 4

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com