Deerow: Baarlamanka Juba inuu ahaa xaaran cid waliba wey la soctay goortii la dhisaayay” (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu khilaaf muuqda ka dhextaaganyahay Maamulada Koonfur galbeed ee Somalia iyo Jubbaland ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Odayaal dhaqmeedyada kasoo jeeda deegaanada K/galbeed.

Malaaq Deerow oo ka mid ah Odayaasha wax ka wada dhismaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in Maamulka K/galbeed uusan wax xiriir ah kala dhexeyn Jubbaland waxa uuna sheegay in Axmed Madoobe ay u gacan haatinayaan Dowladaha Kenya iyo Ethiopia.

Deerow waxa uu tilmaamay in Maamulka K/galbeed uusan Jubbaland uga baahneyn arrin gaar ah, balse ay kasoo horjeedan faragalinta iyo midab takoorka ay ku hayaan Beelaha kasoo jeeda Koonfur ee ku hoos nool Maamulka Jubbaland.

Waxa uu farta ku goday inuu sii taagnaan doono Khilaafka kala dhexeeya Jubba waa hadii Hogaamiyaha Maamulkaasi uusan garwaaqsan waxyaabaha uu la dul taagan yahay dadka kasoo jeeda Maamulkooda.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday go’aanka lagu diiday aqoonsiga Baarlamaanka Jubba waxa uuna sheegay inay aad u taageersan yihiin go’aankaasi.

BF ayuu ku amaanay go’aanka ay ka qaateen Baarlamaanka Maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba, waxa uuna carabka ku dhuftay in xili waliba ay garab taagan yihiin DF Somalia una aqoonsan yihiin inay tahay Dowlada qaran oo dalka oo idil ka arimiso.

Hadalkaani ayaa imaanaya xili Maamulka Koonfur galbeed uu soo saaray war-saxaafadeed lagu taageerayo go’aanka lagu burburiyay BJ.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com