Mareykanka oo ka hadlay Somali-American ah oo gacanta u galay Xuutiyiinta dalka Yemen (Aqri) !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa ruux Somali-Maraykan ah oo weli ku jira gacanta Sirdoonka Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalama inta badan dalka Yemen.

Ruuxaani uu asalkiisu yahay Somali, ayaa waxa ay Sirdoonka ka qafaasheen goob lagu caweeyo oo uu kaga sugnaa Magaalada Sanca ee dalka Yemen, waxaana la tilmaamayaa inay kaga shakiyeen inuu basaas u ahaa Dowlada Mareykanka oo horboodeyso duulaanka lagu hayo Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Mr Marie Elizabeth Harf oo ah Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay weli gacanta ku hayaan Muwaadiniin u dhashay Mareykanka oo uu ku jiro Muwaadinkaasi uu asalkiisu ahaa Somalia, waxa uuna Afhayeenka sheegay inay socdaan dadaalo lagu sii deynaayo.

Marie Elizabeth Harf waxa ay intaasi ku dartay in Muwaadiniintaasi aysan ku lug laheyn qalalaasaha ka taagan dalka Yemen iyo isbaheysiga Sacuudiga, balse ay yihiin kuwo ka madax-banaan tuhunka.

Qabashada dadkaasi ayaa imaaneysa xili Dowlada Mareykanka ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso ciribtirka Xuutiyiinta waxaana mar waliba suuragal ah in dhalinyaradaasi la tuhmaayo ay la kulmaan falal argagax galinkara Mareykanka.

Lama oga halka uu kusoo idlaan doono wada xaajoodka lagu doonaayo in lagu siidaayo Dhalinyaradaasi uu kamidka yahay Muwaadinka Somali-Mareykanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com