Qorshe cusub oo MAALGASHI ah oo ay wadaan ganacsato American ah oo Minnesota laga wado

Shirkani oo ay ka qeyb galeen Ganacsato iyo maalgashadayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota, Waxaana looga hadlay Dhaqaalaha Guryenta Maraykanka oo sii koraya iyo sidii loo balaarin lahaa ganacsiga Maalgashiga.

Waxaa Shirkani qeyb ka ahaa Shirkada Best Buy oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ee saldhigooda yahay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykankan, kuwaasi oo ka ganacsatada Dhulalka, Guryaha iyo Arimo kale, Waxayna Soo bandhigeen hormarka dalka Soomaaliya ku talaabsana, shirkadaha iyo wadamada u tartamaya dib u dhiska dalka Soomaaliya. kuwaasi oo qaarkood dib u dhis aaad u balaaran ka sameeyey.

Madaxa Shirkada Best Bay Cabdi Qani Xasan Daahir ayaa soo bandhigay Project Balaaran oo ganacsatada ay ugu faa’ideyn karaan dalka Soomaaliya iyagane ka faa’idi kara maadaama dalka Soomaaliya uu leeyahay kheyraad aad u balaaran.

Barnaamijkani oo ah mid bilaaw ah ayaa hadana ah mid rajo wanaagsan maadaama ganacsatada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga iyaga laga doonaya in ganacstada kale ay tusaan hormarka dalka Soomaaliya ku tilaabsanaya.

Madaxa shirkada Best Bay Cabdi qani Xasan Daahir ayaa sheegay in xiligani ay tahay xiliga ugu muhiimsan ee ganacsatada caalamka la tusi lahaa indhahooda hormarka wadaka ka socda isagoo hada tusaale u soo qaatay shirkada Turky-ga waxa ay ka qabanayaa caasimada Dalka Soomaaliya, wuxuuna warka intaasi ku daray in iyaga ka ganacato Soomaali ahaan ay bilaabayan arintaasi isla markaana usii sahminayaa saaxiibadooda kale ee Dalka Maraykanka ku sugan.

Dal Walba waxaa dhisa dadkiisa, waxaana la doonayaa in ganacsatada kale ee caalamka laga dhaadhiciyo sidii ay u maalgashan lahaayeen dalka Soomaaliya, Todobaadkii hore ayey markii Xirfadlayaal Saxaafadeed ay sheegeen in xiligani loo baahan yahay in baahiyo hormarka uu dalka ku talaabsana isla markaana la diido colaadaha iyo xumaanta ay afuufayaan Saxaafada Caalamka.

Maxamed Deeq Muuse Nuur.
Minneapolis, USA