Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ku xanniban Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa lagu soo waramayaa in iminka ay ku xaniban yihiin garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.

Mas’uuliyiintaasi oo isugu jira Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Xubno hoose oo ka howlgala wasaaradaha dalka oo Nairobi ku joogay safar shaqo ayaa waxa ay xiligaani kamid yihiin Soomaali badan oo ku xaniban Garoonka.

Guud ahaan dadka ku xaniban Garoonka ayaa gaaraya ilaa 55, waxa ayna yihiin kuwa ugu badan dad shacab ah oo uu u jeedkoodu ahaa inay usoo safraan Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka Somalia.

Diyaaradaha ayaa joojiyay wixii Duulimaad ahaa ee ay ku tagi jireen Muqdisho, iyadoo taasina ay ka danbaysay Go’aankii Dowladda Kenya ku joojisay dhamaan Diyaaradihii dalkaasi kasoo bixi jiray ama imaan jiray, sababo la xariira Amaankeeda.

Geesta kale, Joojinta duulimaadyada ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta dalka Kenya bacdamaa dhaqaalaha Kenya uu yahay mid ku tiirsan Garoomada iyo dalxiisayaasha, inkastoo uu horay u istaagay dalxiiska ayaa waxaa iminkana xigay duulimaadyada Somalia ilaa Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com