Axmed Cabdisalaan oo qorshe ka lahaa dagaalkii AHLU-SUNNA ay kula wareegtay Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in la wareegitaankii shalay ee degmada Dhuusomareeb la wareegeen ciidamada Ahlu sunna uu macno badan lahaa.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaya in qorshahaasi uu lahaa Axmed CabdiSalaan Xaaji, oo warar soo baxaya ay sheegayaan in laga qaaday xilka safiirnimo.

Qorshaha Axmed C/salaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in Ahlu sunna ay joogaan Dhuusomareeb loona doorto madaxweynaha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Waxaana uu doonayaa in marka la doorto uu cadeeyo in Ahlu sunna uu ka saari karo magaalada Dhuusomareeb uuna gorgortan la gali karo, sida xogta aan u heleyno.

Qorshooyinka kale ayaa lagu sheegaya iney tahay in Ahlu sunna ay sii balarsato awooda gobolada dhexe si ay kaga hor timaado marka uu dhismo maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Waxaana labad qorshe dabada ka riixaya dowlada Ethiopia, waxaana arin lala yaabay noqotay markii ciidamadii Ethiopia ee Dhuusomareeb ay sheegeen ineysan difaaceynin magaalada Dhuusomareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Gobolada Dhexe
Caasimada@live.com