Qilaaf ka dhex qarxay Fartaag & Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online waxaa jiro khilaaf hoose oo ka dhaxeeyo madaxweynaha Jubba iyo ku xigeenkiisa Fartaag.

Wararka ayaa sheegaya in khilaafka uu ka bilowday kadib markii Jubbaland ay amartay in magaalada Kismaayo laga eryo saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo magaalada ku sugnaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la amray in magaalada Kismaayo isaga baxaan xubno ka tirsan wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya kuwaasi oo maalahaan ku sugnaa Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa qaba aragtida ku aadan in magaalada Kismaayo laga eryo saraakiisha dowlada Soomaaliya halka Fartaag uu arintaasi kasoo horjeedo.

Khilaafka cusub ee labada masuul ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay baarlamaanka Soomaaliya go’aan ka qaateen mooshinkii laga geeyay dhismaha Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com